|
Muqdisho,(insidesomalia.org)-Madaxweynaha Dawladda Federaalka KMG ah ee Soomaaliya Cabdulaahi Yuusuf iyo reysalwasaare Nuur Cadde ayaa maanta ka dhoofay garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde International Airport.
Wefdigaan ayaa ka koobnaa xubno gaaraya 25 waxayna casuumaad rasmi ah la sheegay in ey ka heleen Ururka Midowga Afrika oo xaruntiisu tahay Magaalada Adis Ababa ee Caasimada Dalka Itoobiya.
Khilaafaadka Madaxweynaha iyo Reysal Wasaraha ayaa waxaa si toos ah u soo farageliyay Ururka Midowga Afrika, lamana yaqaan mudada ay ku sugnaan doonaan Magaalada Adis Ababa, waxaana uu khilaafaadkani kusoo beegmay xili maalinimada sabtida ah la filayo in dalka Jabuuti ay kuwada kulmaan wakiilo ka socda Ururka Isbaheysiga dib uxoreynta iyo Dawladda.
Dhinace kale ilo diblomaasiyadeed oo ku sugan Magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in marka la dhameeyo xurgufta iyo kalashakiga Madaxda sare uu markaasi Ra,Isal Wasaare Nuur cadee u duuli doono maalinta Sabtida ah Dalka Jabuuti oo lagu wado inuu ka qeybgalo kulan ay dalka Jabuuti isku soo horfariisan doonaan mucaaradka Dawlada ee uu hogaaminayo Sheekh Shariif iyo Reysal Wasaare Nuur cadde, iyadoo kulankaas lagu lafa guri doono sidii xabad joojin rasmi ah looga hirgalinlahaa dalka Soomaaliya iyo in laga wada hadlo in wadanka la keeno Ciidamadii lagu bedeli lahaa kuwa Itoobiya.
.
Laba maalmood ka hor ayey aheyd markii uu Magaalada Muqdisho soo gaaray wakiilka Midowga Afrika u qaabilsan arimaha Soomaaliya Mr. Nicolas Bawakira, kaasoo la kulmay Madaxeyne Cabdullaahi Yuusuf iyo Ra`iisal Wasaare Nuur Cadde.
|